Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta DDS oo tababar ku saabsan la-dagaallanka caadooyinka xun-xun u qabtay haweenka ku dhaqan degmooyinka gobolka Jarar

Addis Ababa,Sep 21,2021 (Maskarem 11,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta DDS ayaa tababar ku saabsan la-dagaallanka caadooyinka xun-xun ee ay ka mid ka yihiin gudniinka fircooniga iyo guurka deg-degga ah u qabtay qaar kamid ah madax-xafiiseedyada iyo shaqaalaha Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta ee degmooyinka gobolka Jarar.

Xubnahan oo laga soo kala xulay degmooyinka Bilcil-buur, Araarso, Birqod iyo Dhagax-buur ayaa waxaa muddo 3 cisho ah la bari doonaa dhibaatooyinka iyo khatarta uu leeyahay gudniinka fircooniga, maaddaama uu lid ku yahay diinta Islaamka.

Ujeeddada tababarkan oo ah cidhib-tirka caadooyinka xun-xun ayaa waxaa furitankii tababarkan ka hadlay ku-simaha guddoomiyaha gobolka Jarar ahna madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee gobalka Jarar, mudane C/laahi Maxammed Ismaaciil iyo mudane Khadar C/casiis oo ka socday Xafiiska Arrimaha Haweenka Iyo Carruurta DDS, iyaga oo xubnahan qaadanayay tababarka kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan inta uu socdo tababarkan, kaddibna ay gaadhsiiyaan bulshadii ay ka kala yimaadeen.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.