Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada ee Deegaanka Soomaalida oo 50 kun oo geed ugu deeqay Somaliland

Addis Ababa,July 06, 2021 (Senee 29,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Deegaanka, Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada ee Deegaanka Soomaalida ayaa 50 kun oo geed ugu deeqay Somaliland.

Xafiiska oo ka duulaya qorshihii cagaarinta ee guud ahaan dalka loogu beerayey 5 Milyan oo geed, ayaa wuxuu aas-aasay goobta barbaarinta dhirta casriga ah oo lagu beero dhirta noocyadeeda kala duwan.

Haddaba, si looga hortago isbaddalka cimilada, loogana gaashaanto nabaad-guurka dhulka ayaa wuxuu xafiisku 50 kun oo geed ku wareejiyay ku-simaha qusulka Somaliland u fadhiya dalka.

Goobta dhirtan lagu wareejinayey oo ay joogeen wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxwaynaha Deeeganka, masuuliyiinta Xafiiska Keymaha Iyo Isbaddalka Cimilada DDS iyo masuuliyiinta Xafiiska Beeraha DDS ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Deegaanka, Mudane Maxammed Yuusuf Rooble, isaga oo sheegay in 50-Kan kun ee geed ay hordhac u yihiin 100 kun oo geed oo lagu wareejin doono deegaannada deriska ah si looga wada shaqeeyo carro-guurka dhulka.

Dhankiisa ku-simaha qusulka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Mudane Barkhad Maxammuud Kaariye ayaa uga mahad-celiyay masuuliyiinta deegaanka ee dhirtani ku wareejiyay, sheegayna in 50-ka kun ee geed ay gaadhsiinayaan magaalooyinka, laguna cagaarin doono.

SRTV Rasmi Page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.