Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Horumarinta khayraadka Xoolaha iyo Reer guuraaga DDS ayaa tababar u qabtay iskaashatooyinka wax soo-saarka malabka ee qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Erar

Addis Ababa,Mar 21, 2021 (Megabit 12,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Tababarkan oo ahaa mid kor loogu qaadayey fahanka garaadka aqooneed ee iskaashatooyinka ku hawlan wax soo-saarka malabka ee degmooyinka Sallaxaad, Lagahidda, Qubbi ,Mayu-muluqo, Yaxoob iyo Cayuun sidii ay fahan buuxa ugu yeelan lahaayeen dhaqashada shinnida iyo habka wax soo-saarka casriga ah ayaa waxaa tababarkan iska kaashanahayey Xafiiska horumarinta Khayraadka Xoolaha iyo Reer Guuraaga DDS iyo mashruuca wax kabaddalka hab-nololeedka bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo dhaqato beerolayda ah ( LLRP).

Mudane.
Abuubakar Cali Liibaan madax-waaxeedka horumarinta dhaqashada Shinnida iyo Kalluunka ee Xafiiska Horumarinta khayraadka Xoolaha iyo Reer guuraaga DDS oo faah-faahin Ka bixiyey ahmiyadda tababarkan ayaa sheegay inuu tababarkani kaalin muuqata ka qaadan doono wax soo-saarka casriga ah ee khayraadka malabka ee uu qaniga ku yahay Deegaanku, gaar ahaan Gobolka Erar.
Waxaa xusid mudan in xukuumadda DDS ay degmada Fiiq ee xarunta Gobolka Erar ka hirgalisay warshadda malabka oo lagu sifayndoono khayraadka malabka Gobolka Erar.
SRTV Rasmi page
You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.