Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Horumarinta Khayraadka Xoolaha Iyo Reer-guuraaga DDS oo bulshada Deegaanka uga digay saamaynta cudurka ku dhaca geela ee ka dillaacay meelo ka mid ah Deegaanka

Addis Ababa,June 02, 2021 (Ginbot 25,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska Horumarinta Khayraadka Xoolaha Iyo Reer-guuraaga DDS ayaa bulshada Deegaanka uga digay saamaynta cudurka ku dhaca geela ee ka dillaacay Deegaanka in uusan dadka u gudbin.Goobo ka mid ah Deegaanka Soomaalida ayaa laga soo sheegayaa in uu ka dillaacay xanuun aan la xaqiijin oo ku dhacay geela.

Kaddib dadaallo uu sameeyey Xafiiska Horumarinta Khayraadka Xoolaha ayaa waxaa la ogaaday in cudurka geela ku dhacay ee ka dillaacay Deegaanka uu yahay mid aan la garanaynin, haddana la wado dadaallo lagu baadhayo cudurkani oo markii hore la moodayey cudurka kudka, wuxuuna Xafiisku Bulshadu uga digayaa in laga fogaado isticmaalka cadka iyo caanaha geela si xanuunkani uusan ugu kala gudbin dadka iyo duunyada, maadaama aan la saadaalin karin halista xanuunkan.

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Xoolaha Iyo Reer-guuraaga DDS, Mudane Dayib Axmed Nuur ayaa sheegay in ay wadaan iskaashi illaa dawladda dhexe ah oo lagu xaqiijinayo cudurkani, islamarkaana shaybaadh ku socdo baadhitaanka xanuunkan, jawaabtana la sugayo muddo 3 maalmood ah.

Cudurkan ayaana la sheegayaa in lagu arkay meelo ka mid ah Deegaanka Oromiya iyo waddanka aan deriska nahay ee Kenya.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.