Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska Maaraynta Khatarta Masiibooyinka DDS oo shacabka uga digay saamaynta ay geysan karaan roobabka curtay ee xilliga gu’ga

Addis Ababa,Apr 25, 2021 (Miyasiya 17,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khatarta Masiibooyinka DDS oo SRTV waraysi siiyey ayaa bulshada deegaanka uga digay khatarta ka dhalan karta roobabka gu’ga ee xilligan ka curtay Deegaanka Soomalida.

Mudane C/Fataax Maxamed, wasiir ku-xigeenka Xafiiska Khatarta Masiibooyinka DDS ayaa tilmaamay in xilligani loo baahan yahay inay shacabku muujiyaan taxaddar dheeri ah, maadaama la filayo inay roobab mahiigaan ah oo deegaanka ka da’aa ay khasaare geysan karaan, gaar ahaan shacabka ku nool goobaha jiinka wabiyada deegaanka Iyo aagagga togagga.

Dhanka kale, Mudane Cabdifataax Maxammed, wasiir ku-xigeenka Xafiiska Maaraynta Khatarta Masiibooyinka ayaa sheegay; iyadoo laga duulayo war-bixinaha saadaasha hawada, in lagu wado in roobab aad u waa-weyn ka di’i doonaan deegaanka, taasoo loo baahan yahay in shacabku ka digtoonaadaan.

Guud ahaan, Deegaanka Soomaalida oo muddooyinkii u dambeeyey wajahayey abaar sababtay biya la’aan iyo cunna yari xooggan ayaa hadda waxaa qeybo badan oo ka mid ah gobollada Deegaanka ka curtay raxmadda Eebbe ee roobabka gu’ga oo shacabku mahadiyeen.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.