Fana: At a Speed of Life!

Xafiiska War-faafinta DDS oo tababar la xidhiidha habka isticmaalka war-baahinta iyo xidhiidhka dad-weynaha ee xilliga doorashada u qabtay hoggaaminta gobolka Faafan iyo Maamulka Magaalada Jig-jiga.

Addis Ababa,Apr 13, 2021 (Miyasiya 05,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Xafiiska War-faafinta DDS ayaa tababar la xidhiidha habka isticmaalka war-baahinta iyo xidhiidhka dad-weynaha ee xilliga doorashada u qabtay hoggaaminta gobolka Faafan iyo Maamulka Magaalada Jig-jiga.

Tababarkan oo soconaya muddo hal maalin ah ayaa loogu talogalay in hoggaaminta fahan looga siiyo shaqooyinkooda iyo xidhiidhka ay la wadaagayaan buldhada xilliyada ololaha doorashada, gaar ahaan siyaabaha loo isticmaalo war-baahinta iyo shaqooyinka xidhiidhka dad-weynaha.

Wasiir ku-xigeenka Xafiiska War-faafinta DDS Mudane Maxamed Rooble, oo tababarkan furay ayaa kula dar-daarmay xubnaha tababar-qaatayaasha inay sida ugu habboon uga faa’iideystaan casharrada oo muhiimad u leh shaqooyinka ay bulshada u hayaan.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.