Fana: At a Speed of Life!

Xawaaladda Dahabshiil oo shacabka abaaraysan ee Deegaanka ugu deeqday lacag dhan 4 milyan oo birr (4,000,000.00)

Addis Ababa,Jan 24,2022 (Dir 16,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xawaaladda Dahabshiil ayaa shacabka abaaraysan ee Deegaanka ugu deeqday lacag dhan 4 milyan oo birr (4,000,000.00).

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer Deegaan ah oo ay ka mid tahay Af’hayeenka golaha xildhibaanada marwo Ayaan Cabdi ayaa madaxtooyada ku qaabillay masuuliyiinta xawaaladda Dahabshiil oo ah mid gaar loo leeyahay.

Xawaaladda ayaa masuuliyiinta ku wareejisay lacag dhan 4 milyan oo birr oo ay ugu talo’galeen in ay kaga qayb’qaataan gurmadka abaaraha “si aan uga jawaabno baaqii xukuumadda ee ahaa in maalgashadayaashu ay qayb ka noqdaan gurmadka abaaraha ayaa nagu ka liftay deeqdani, walow aan aaminsantahay in aannu soo daahnay” waxaa sidaasi yidhi midane Maxammed Cabdi Samad, Maareeyaha guud ee Xawaaladda Dahabshiil.

Xawaaladda Dahabshiil ayaa sida oo kale qorshaynaysa in dhawaan ay caasimadda ka billaaabaan guriyayn casri ah oo bulshada looga faa’iideyn doono, taasi oo wax weyn ka tari doonta kor-u-qaaddida bilicda magaalada iyo guryo yaraanta jirta.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-naqay xawaaladda gurmadka ay soo gaadhsiiyeen bulshadooda tabaalaysan, waxa uuna Madaxweynuhu sheegay in soomaalidu ay waligoodba ahaayeen dad isku gurmada oo is-caawiya.

Madaxweynaha ayaa sida oo kale sheegay in xukuumaddu diyaar garow ballaadhan ay ka samaysay abaaraha wakhtigani jira, isaga oo xusay in xaaladdu ay sidan kasii darnaan lahayd haddii aan laga sii diyaar-garoobin.

Xigasho: SRTV Somali

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.