Fana: At a Speed of Life!

Xisbiga barwaaqo oo wacad ku maray in uu xoojinayo Nabadda ,horumarka iyo dimuqraadiyadda

Addis Ababa DEC 07, 2020 (Hidar 28,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo (PP) ayaa soo gabagabeeyay kulankoodii qaatay ​​labada maalmood ,iyaga oo kaso saaray go,aanno gacan ka geysanaya xoojinta horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabadda dalka.

Binalf Andualem oo ah Madaxa Xafiiska Barwaaqo oo ka warbixiyay shirkii u qabsoomay xisbiga 4tii ilaa 5-tii Disembar ayaa sheegay in guddigu ka dooday saddex ajende, oo kala ah, arrimaha qaranka ,kuwa caalamka iyo waliba u diyaar garowga doorashada soo socota.

Mar uu ka hadlayay xaaladda dalku uu marayo hadda, wuxuu sheegay in weerarkii TPLF ay ku qaadeen taliskii waqooyi ee ciidamada difaaca qaranka uu ku qasbay xukuumada inay ku qaado tallaabooyinka taabagelinta sarraynta sharciga.

Gudiggu waxa uu qiimayn ku sameeyay xasuuqii ay dhiig-miiratada TPLF u gaysatay shacabka aan waxba galabsan ee magaalada Mai-Kadra iyo tacaddiyada kale ee  ay shacabka ugu geysteen meelo kale.

Gudiggu wuxuu u bogaaadinayaaa ciidamada difaaca qaranka, ciidamada gaarka ah ee Amxaarada iyo maleeshiyaadkooda,ciidamada gaarka ah ee Canfarta iyo sidoo kale shacabka tigreeyga iyo guud ahaan dadweynaha Itoobiya taageeradoodii ay ka gaysteen sidii loogu guuleysan lahaa hawlgalkii fulinta sarraynta sharciga, ayuu yidhi.

Binalf oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in guddigu ay isla meel dhigeen talaabooyinka lagu soo gabagabeynayo ololaha si dambiilayaasha loo horkeeno cadaaladda, dib u dejinta dadka barakacay, dayactirka kaabayaashii dhaqaalaha ee burburay iyo in xaaladii caadiga ahayd lagu soo dabaalo deegaanka Tigray ,sidoo kale in la xoojiyo horumarka, dimuqraadiyadda iyo nabada dalka.

Dhanka arrimaha caalamka ,guddigu wuxuu soo saaray hindise cad oo ku aadan biyo xidheenka weyn ee dalkan Itoobiya (GERD) kadib markii uu falanqeeyay wararka aan sal iyo toona lahayn la faafinayo, ee lagu carqaladeynayo horumarka dhismaha biyo xidheenka, ayuu yidhi.

Binalf oo hadalkisa sii wata ayaa sheegay in guddiga Fulintu ay horay u dejiyeen hindisaha qabsoomida doorashooyinka guud ee soo socda in ay ku dhacaan si nabad ah, xor ah oo dimuqraadi ku dheehantahay islamarkana lagu kalsoonaan karo.

Ugu dambayn , madaxa xafiiska xisbiga Barwaaqo ayaa xusay in xisbigu diyaar yahay inuu ku guuleysto doorashada iyaga oo bilaabi doona ololahooda ay iskugu diyaarinyaan doorashada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.