Fana: At a Speed of Life!

Xog-hayaha Fulinta urur goboleedka IGAD oo soo gaadhay magaalada Addis Ababa si uu uga qaybgalo xaflada caleemo-saarka xukuumada cusub ee Itoobiya laga dhisayo

Addis Ababa,Oct 03,2021 (Maskarem 23,2014 T.I (FBC/SOMALI)-Xoghayaha Fulinta ee urur goboleedka IGAD  Dr. Workneh Gebeyehu, ayaa maanta soo gaadhay magaaladan Addis Ababa si uu uga qeybgalo xafladda caleema saarka xukuumada cusub ee Itoobiya ee uu gadh-wadeenka ka yahay ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Waaxana markii uu kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Bole si diiran usoo dhawaysay wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Danjire Birtukan Ayano, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in Itoobiya ay yeelato xukuumad cusub oo uu soo dhisayo xisbiga barwaaqo oo isagu ku guulaystay doorashada 6aad ee Qaran ee dalka ka dhacday.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.