Fana: At a Speed of Life!

Xoogag nabad-diid ah oo ka dhaqdhaqaaqa Gobolka Metekel oo gacanta lagu soo dhigay

Addis Ababa,July 26, 2021 (Hamle 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Waxa tallaabadii ku habboonayd laga qaaday kooxihii nabad-diidka ahaa ee iska dhegotiray baaqii dowlada ee qaadashada nabadda.

Gaaska 2211aad ee ku sugan degmada Wembaraa ee gobolka Metekel ayaa waxa ay tallaabo ka qaadeen kooxo nabad-diid ahaa oo iska dhegomaray baaqii nabadeed ee dowlada,islamarkaana dhaqdhaqaaqyo ka waday aagaas.

Taliyaha gaaska 2211aad ,Gashaanle Yohanis Iwanetu ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay 25 ka mid ahaa kooxaha nabad-diidka iyo saanaddii ay wateenba.

Taliyaha ayaa intaa ku daray in saannadii laga qabsaday kooxahaas qaswadayaasha ah, ay ka mid ahaayeen 9 qori oo Clash ah,3 qori oo duug ah ,Qaansooyin,Bambooyin iyo weliba 185 qori oo ah Ak47.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.