Fana: At a Speed of Life!

Xukuumadda GNA oo weerar ku qaadday magaalo xeebeedka Sirte ee Liibiya.

Addis Ababa june 7,2020 (Ginbot 30,2012 T.I) (FBC/SOMALI)-Dawladda liibiya ee ay Qaramada Midoobay aqoonsan tahahay ee GNA ayaa sheegtay iney qabsadeen magaala xeebeedka Sirte oo ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadka dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.

Inkastoo uu janaraal Xaftar taageero ka helayo Masar, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta ayaa hadana todobaadyaddii u dambeeyay waxa ay ciidamadda janaraalka awoodda is biday ay la kulmayeen guul-darrooyin isdaba joog ah, ka dib markii diyaaraddaha aan duuliyuhu waddin ee drones-ka dawladda Turkey-gu ay meesha ka saartay weeraraddii uu ku hayay Xukuumadda GNA ee fadhigeedu yahay Tripoli.

Ciidammada dowladda Liibiya ee uu caalamka aqoonsanyahay iyo milatariga Turkiga ayaa galbeedka Libya ka saaray ciidammada janaraalka baxsadka ah ee khaliifa xaftar

Dhanka kale; dalalka taageera khaliifa Xaftar ayaa ku baaqay xabad joojin, iyo in la bilaabo wadaxaajood lagu xallinayo xaaladda ka aloosan Liibiya.

Waxaa horay fashil ugu dhaamaaday wada-hadallo lagu doonayay in lagu xalliyo khilaafka u dhaxeeya Dowladda liibiya iyo janaraalka loo taag-waayay ee Khaliifa Xaftar.

Magaalada Sirte ayaa ah magaaladdii uu kasoo jeeday keligii taliyihii mudada badan ka talinayay dalkaasi liibiya ee Muammar Gaddafi

ciidammada cirka ee ee xukuumadda GNA ayaa shan duqaymood la beegsaday malleeshiyaadka khaliifa xaftar ee ku sugnaa duleedka magaalada qaniga ku ah shidaalka ee sirte sida uu warbaahinta u sheeegay af-hayeenka ciidamadda dawlada liibiya ee Maxamed Qununu

Xigasho: ALJAZEERA

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.