Fana: At a Speed of Life!

Xuska 125aad Ee Guushii Adhwa Oo JIGJIGA Laga Maamuusay

Addis Ababa,Feb 26, 2021 (Yekatit 19,2013 T.I (FBC/SOMALI)-Munaasabadan sanadguurada 125 aad ee lagu xusayo guushii taariikhiga ahayd ee adhwa ayaa waxaa kasoo qaybgalay hogaaminta sare ee deegaanka iyo qaybaha kaladuwan Ee bulshada magaalada jig-jiga ee caasimada DDS.

Madaxwaynaha DDS Mudane mustafe muxumed cumer ayaa munaasabadan ka sheegay in guushii ay geesiyaashii dalku kaga hortageen ciidamadii gumaysi doonka ay ahayd mid shacabka itoobiya ay si midaysan uga wada qayb qaateen guulna kasoo hooyiyeen.

madaxwaynaha ayaa sheegay in muhiimada xuskani uu bulshada u leeyahay ay tahay

1 in mar labaad dadka la xasuusiyo faa’iidada midnimada

2 in la muujiyo taariikhaha iyo waxyaabaha dadka ka dhexeeya lana soo bandhigo waxyaabaha ay wadaagaan bulsha waynta itoobiya.

madaxwaynaha ayaa sidoo kale sheegay kaalintii bulshada soomaalidu ka qaadatay la dagaalankii gumaystihii ree yurub isaga oo soo qaatay halgamadii sayid maxamed cabdille xasan la galay gumaystihii ingiriiska.

balse guusha adhwa waxay kaga duwanayd dagaalka lala galay gumaystaha reer yurub gabi ahaanba way u suuroobi wayday inay qabsadaan shacabka itoobiya ciidamadii talyaaniga ee soo duulayna waxay kala kulmeen jab xoogan.

madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in munaasabadan ay kusoo beegantay xili laga guulaystay meeshana laga saaray xoogagii TPLF ee wadanka ku amar taaglaynayay mudo 27 sano ah,
islamarkaana diidanaa wadanku inuu xasilooni nabadeed helo,meelo badana ay qalalaase ka abuuri jireen dalka balse hada laga nastay dhibkoodii.

dhanka kale madaxwaynaha ayaa soo hadal qaaday arrimaha doorashada bilaha soo socda dhacaysa wuxuuna ugu baaqay xisbiyada mucaaradka inay u diyaar garoobaan guul iyo guul darro labadaba balse ay ka fogaadaan waxyaabaha khal khalinaya amniga deegaanka, ka dawlad ahaana aan loo dulqaadan doonin cidii arrimahaas kusifawda.

Madaxwayne Mustafe ayaa shacabka deegaanka kula dar daarmay inay ilaaliyaan wada noolaanshaha iyo is dhaxgalka bulshada dalka si loo xoojiya midnimada iyo qaranimada wadanka.

Munaasabadan ayaa intii ay socotay ayay qaar kamida waxgaradka iyo dhalinyarada deegaanku soo bandhigay khudbado ay kaga hadleen halgamadii lagu soo hooyay guushan taariikhda gashay ee lagaga guulaystay ciidamadii talyaaniga taasoo ahayd mid ay si wada jira ah uga qayb qaateen shacabka itoobiya oo dhan,waana guushii ugu horeysay ee africa ka gaadho gumaystihii reer yurub.

wasiirka xafiiska arrimaha haweenka iyo dhalaanka DDS Marwo saynab xaaji oo munaasabadan ka hadashay ayaa sheegtay in guusha adhwa ay door muhiima ku lahaayeen halgamayaal soomaaliyeed oo rag iyo dumarba ka kooban sidaasi darteedna ay muhiim tahay dumarka soomaaliyeed inay kaalintooda wadaniyadeed iyo ka shaqaynta danta guud ay sii xoojiyaan.

1888-kii ayay ahayd wakhtigii ay ciidamada itoobiya ay afka ciida u dareen gumaysigii saanta cadaa ee reer yurub gaar ahaan ciidamadii talyaaniga oo duulaan saf balaadhan ah kusoo qaaday qaarada madaw ee africa taasoo noqotay guushii koobaad ee africa kasoo hoyso halgamadii lagaga hortagayay ciidamadii soo duulay ee reer yurub.

SRTV Rasmi page

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.